| | 2 views

Shirweynihii Sedexaad ee Waxbarashada oo maanta Jowhar ka furmay;

Waxaa Maanta oo Axad ah ka furmay Magaalada Muqdisho shir weynahii Saddexaad ee dib u eegista wax barashada Soomaaliya sida aan ka soo xiganay raadiayaha Dowlada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda wax barashada iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/qaadir Cabdi Xaashi, oo daahfuray shirkan ayaa ku dheeraaday in ujeeddadu ay tahay sidii loo mideyn lahaa Manaahijta wax barsho ee Dugsiyada Dalka iyo sare u qaadidda tacliinta.

Kualnkan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wakiillo ka socda Dowlad Goboleedyada ka jira Dalka iyo xubno Aqoon yahanno ah oo ku xeel dheer dejinta Manaahijta ayaa iyaguna aragtidooda ka dhiibtay.

Wixii ka horreeyay 1991-ka ayaa wuxuu Dalka Soomaaliya lahaa Hal Manhaj oo ay Gacanta ku hayso Wasaaradda wax barashada.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23967

Posted by on Dec 4 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented