| | 2 views

Alshabaab & Ciidamada Kenya oo dagaal khasaare geystay dhex maray.

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degaanka Haawina oo u dhaxeeya Dhoobley iyo Qooqaani ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal kooban.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya, kuwaas oo sahay u waday Ciidamo ku sugan Degaan ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Alshabaab ayaa sheegtay in ay dagaalka maanta ku dileen Askar badan oo Kenyaan ah dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Kenya.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=24017

Posted by on Dec 6 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented