| | 0 views

Barmuudo.com Maamulka Ahlu Sunna oo 45 maalmood kadib xayiraad ka qaaday Radio Galgaduud

Radio Galgaduud oo ah Idaacad Madax banaan oo ka howlgasha Magoolooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb ayaa hawada dib ugu soo laabtay kadib markii la xiray 14kii November 2016 oo 45 maalmood kasoo wareegatay.

Dib u furitaanka Radio Galgaduud ayaa timid kadib wadahadal  dhexmaray Masuuliyiinta Maamulka G/dhexe iyo Maamulka Radio Galgaduud taasi oo ugu danbeyn keentay in laisku fahmo dib u furitaanka Radio Galgaduud.

Madaxa Warfaafinta Maamulka G/dhexe muxuyadiin Cali Jimcaale Jakuula ayaa sheegay in ku faraxsanyiihiin in Maamulkooda ay dib u fasaxaan Radio Galgaduud ayna si dhaw ula shaqeyn doonaan Idaacadda.

Agaasime ku xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Guure Barre ayaa sheegay isna in Maamulka Idaacada ay diyaar u yihiin in dhaqan galiyaan wadahadalka labada dhinac dhexmaray si wada shaqeynta u wanaagsanaato.

Radio Galgaduud oo ah Idaacadda loogu dhageysi badanyahay Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa waxa durba soo dhaweeyay dib u howlgalkeeda, dhageystayaashii ku xirnaa Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Idaacada.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=24419

Posted by on Dec 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented