| | 2 views

Barmuudo.com Maxaa ka dhacay maanta magaalada Garawe?

Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo la sheegay in si kutala gal ah ay u faafinayeen cudurka HIV Aids, waxaana dadkan ay cudurka ku faafinayeen deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garawe.

Dr C/raxmaan Saciid Dhagaweyne oo ah Agaasimaha la dagaalanka xanuunka Aids-ka ee deegaanada Puntland ayaa sheegay in ay qabteen labo qof oo dumar iyo rag kala ahaa kuwaa uu sheegay in si ku talagal ah u faafinayeen xanuunka HIV Aids.’

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay labadan qof ee ku hoolanaa faafinta cudurka Aids, waxaana laamaha amaanka baaritaano dheeraad ah ku wadaan dadkan ku eedeesan faafinta HIV-ga.

Agaasimaha la dagaalanka xanuunka Aids-ka Puntland ayaa sheegay in cadaalada la horgeyn doono labadan qof ee ku hoolanaa faafinta cudurka HIV Aids-ka , waxa uuna ugu baaqay laamaha amaanka in ay talaabo ka qaadaan dadka nuucaan oo kala ah.

Dalka Soomaaliya qeybo kamid ah waxaa jooga dad badan oo qaba cudirka HIV- Aids-ka, dadkan ayaana qaarkood la sheegay in ay ku hoolan yihiin faafinta cudurkaasi dilaaga ah.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=24434

Posted by on Dec 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented