| | 3 views

Barmuudo.com Faallo: Muxuu ku soo kordhiyey Madaxweyne Xasan Shiikh Mudadii uu xilka hayey ?

Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda ay ka dhamaatay afar sano oo uu dalka soo maamulayey ayaa ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha isagoo doonaya inuu dalka sii maamulo afarta sano ee socota.

Xasan Shiikh ayaa markii uu isku soo taagayey sanadkii 2012-kii doorashada Madaxweynaha waxaa uu ka dhawaajiyey inuu wax ka qaban doono lix tiir oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah, amniga, dhaqaalaha, garsoorka, dowlad dhisida, dib u heshiisiinta iyo nabadeynta iyo weliba qaar kale, Haddaba maxaa ka fulay balan-qaadyadaas uu sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh.

1-Amniga

Sanadkii 2012-kii xaalada amniga dalka sida ay hadda tahay wey ka liidatay, waxaana dalka intiisa badan maamulayey kooxda Al-shabaab, iyadoo lagama maarmaana ay aheyd in la helo qorshe dalka looga saarayo kooxdaas si dhibka looga dulqaado bulshada waxa la bilaabay qaadista 32 isbaaro oo yiilay jidadka magaalada Muqdisho iyo wadooyinka taga Afgooye iyo Jowhar taasoo lagu guuleystay, waxaana xigay howlgalo waaweyn oo Al-shabaab looga saaray degaano badan.

Waxaa la kordhiyey tirada ciidamada dowlada oo markaas ahaa 3000 kun oo askari, iyadoo la gaarsiiyey 33,000 oo askari.

2-Kobcinta Dhaqaalaha.

Dowladu waxay la timid istaraatiijiyad dhaqaale si wax looga qabto howlaha iyo waajibaadka hor yaalla isla markaana loo abuuro xaalad looga baxo culeysyada dhaqaale xumo ee shacabka heystay.

Waxaa la dejiyey miisaaniyad ay dowladu ku howlgasho taasoo aheyd tii ugu horeysay ee dowlad Soomaaliyeed ay dejiso tan iyo markii ay dhacday dowladii kacaanka 26 sano ka hor.

Waxaa la howlgeliyey heyadaha Maaliyada dalka sida Bankiga dhexe ee dalka, iyadoo la xoojiyey nidaamka isla xisaabtanka iyo maamulka maaliyada.

Dekeda iyo garoonka dayuuradaha ayaa lagu sameeyey dib u dhis weyn oo la mida ah kuwa kale caalamka, waxaana maamulkooda lagu wareejiyey shirkado caalami ah, iyadoo arimahan ay sababeen inuu kordho dakhliga dowlada uga soo xaroon jiray.

3-Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta.

Dowladu waxay dedaal ku bixisay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta maadaama la soo maray dagaalo sokeeye, waxaana la sameeyey shuruucdii lagu howlgeli lahaa sida sharciga federaalka iyo xuduudaha, waxaana loo howlgalay dhismaha maamul goboleedyada dalka, waxaana la qabtay shirar badan oo dib u heshiisiin ah kuwaasoo la iskugu keenay beelo Soomaaliyeed oo wax ka tirsanayey.

4-Nooleynta adeegyada bulshada.

Dowladu waxay u howlgashay kaabida adeegyada bulshada oo aad u yaraa, waxaana la dhisay xarumo caafimaad iyo isbitaalo loogu talo galay bulshada, waxaana sidoo dowladu ay dib u howlgelisay 18 iskuul si waxbarashada loo xoojiyo, waxaana dowladu ay waxbarashado Jaamacadeed oo dibada ah u dirtay kumanaan arday, iyadoo Jaamacaddii ummada dib loo howlgeliyey.

Waxaa dib loo dhisay qaar ka mid ah xarumaha dowlada sida aqalka dowlada hoose, taliska booliska Soomaaliyeed, xabsiga dhexe, toban wasaaradood iyo afar wakaaladood.

5-Midnimada

Si loo xoojiyo midnimada shacabka waxaa Madaxweynuhu dhaqan geliyey sadex qodob oo kala ahaa dib u eegista dastuurka, dhameystirka hanaanka federaalka iyo doorashooyinka Qaranka, iyadoo shirar lagu xaqiijinayo midnimada dalka lagu qabtay dalka Turkigu kuwaasoo dowladu la gashay maamulka Somaliland.

6-Xiriirka caalamiga ah.

Maadaama ay lagama maarmaan aheyd xoojinta danaha iyo wax wada qabsiga Somalia iyo caalamka dowladu waxay xoojisay xiriirka caalamiga ah, taasoo ay guulo waaweyn ka gaartay, waxayna dowladu si firfircoon uga qeyb gashay shirar caalami ah oo deeqo loogu ururinayey Somalia, iyadoo heshiisyo iskaashi la saxiixatay dowlado badan.

Xafiiska warqabadka ee barmuudo muqdisho
teel 0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=24446

Posted by on Dec 31 2016. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented