| | 0 views

Barmuudo.com Sir : Maxaa ka dhacay VILLA Soomaaliya ……?

Wararka naga soo gaaraya madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxtooyada dhexdeeda lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Cabdulle  Qoorgaab, waxaana la ogeyn ujeedada dilkiisa ka dambeysay.

Saraakiisha madaxtooyada qaar ayaa xaqiijiyay in dilka Taliyaha uu ka dambeeyay mid kamid ah ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo dilka kadibna baxsaday.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in dilka loo geystey Cabdi Cabdulle Qoorgaab la baarayo isla markaana cadaalada la horkeeni doono cidii ka dambeysay dilkiisa.

Waa markii ugu horeysay ee dil noocan oo kale ah uu ka dhaco gudaha madaxtooyada Soomaaliya oo ah goob si aad ah loo ilaaliyo.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=24428

Posted by on Dec 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented