| | 1 views

Barmuudo.com 18-Musharax oo u tartamaya Madaxweynaha Somalia

Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo gabo gabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xilkan isku soo sharaxay 18-Musharax oo u badan kuwa kasoo jeeda hal beel.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku jira Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore Dowlada KMG Sheekh Shariif, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo sidoo kale R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Beesha Abgaal, oo iyadu nasiib u heshay in ay Madaxweyne ka noqdaan labadii Dowladood ee ugu dambeeyay, waxaana mar kale la sadaalinayaa in Musharax kasoo jeeda Beeshaasi uu mar kale Madaxweyne noqdo.

Waxaa kaalinta labaad kaga jira Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Musharaxiin kasoo jeeda Beelaha Majeerteen iyo Habar Gidir, waxa ayna musharaxiintan doonayaan in markan iyagu xilka qabtaan kana soo wareegto kursigaasi Beesha Hawiye gaar ahaan Abgaal.

Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Musharaxiinta Madaxweyne
Musharxiinta Beesha Abgaal
1-Xasan Sheekh Maxamuud
2-Shariif Sheekh Axmed
3-C/qaadir Cali Cosoble
4-Jibriil Ibraahim Cabdulle
5-Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6-Bashiir Raage Shiiraar
7-C/laahi Cali Gees (Cadow)

Musharxiinta Beesha Majeerteen
1-Cumar C/rashiid Cali
2-Cali Xaaji Warsame
3-Saciid C/laahi Dani
4-C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole)

Musharaxiinta Beesha Habar Gidir
1-C/raxmaan C/shakuur Warsame
2-C/naasir Maxamed Cabdulle
3-Maxamed Maxamuud Culusow
4-Saciid Ciise Maxamuud
Beesha Mareexaan

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
Beesha Ogaadeen
C/laahi Ciilmooge Xersi

Beesha Ujeejen Mudulood
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

Musharaxiintan ayaa u badan kuwa aan saameyn badan ku laheyn tartanka Doorashada , waxaana Xilkan loo saadaalinayaa ku dhawaad 5-Musharax midkood in uu kusoo baxo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25090

Posted by on Jan 29 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented