| | 10 views

Barmuudo.com Kursigii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada Aqalka Hoose oo lagu doortay Muqdisho

http://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2017/01/

 

Doorashada Kursigii ugu dambeeyay ee Aqalka Hoose Baarlamaanka Federaalka  ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo kursigan uu ahaa qoondada Haweenka.

Kursigan oo ahaa kursigii 275 ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa ku soo baxday Huda Axmed Cali oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Huda Axmed Cali ayaa ku guuleysatay 45 cod, iyadoo ka adkaatay haweeney kula tartameysay kursigan.

Doorashadan kursigan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay qabtaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta doorashooyinka dadban.

Huda Axmed Cali ayaa noqoneysa haweeneydii 67aad ee xubin ka noqotay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hada soo dhameystirmay, inkastoo aan wali xal laga gaarin 5 kursi oo horay loo laalay, isla markaana Beesha Caalamka ay horay dood ka keentay.

http://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2017/01/

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25069

Posted by on Jan 29 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented