| | 0 views

Barmuudo.com Musharax Madaxweyne oo Ogolaaday in Hantidiisa la Xisaabiyo marka la doorto

Waxaa magaalada muqdisho kulan ku yeeshey musharax Madaxweyne Dr Cabdinaasiir Cabdulle Maxamed oo ka mid ah musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa hakaas ka hadley Dr Cabdinaasir Maxamed Cabdule, waxa uuna ku dheeraadey ka sheekeynta taariikhdiisii waxbarasho iyo howlihii uu soo qabtey oo ubadnaa dhinaca caafimaadka maadaama uu yahay nin dhaqtar oo dalka Mareykanka wax kuu soo bartey.

“Hawlaheyga caafimaad waxaa ii dheeraa howlo kale oo laxiiriira dhinaca samafalka iyo weliba dhinaca dib uu heshiisiinta”ayuu yiri dr cabdinaasir oo sheegey in hadii la doorto uu wax badan ka qabanayo arrimaha adeega bulshada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo ah kan bulshada Soomaaliyeed dib u dhigey.

Musharax Dr Cabdinaasir waxaa uu sheegey in hadii la doorto uu xooga saari doono daryeelka Ciidamada iyo shaqaalaha dowlada ,sidoo kale waxaa uu sheegey in dhailinyarada Soomaliyeed u abuuri doono shaqaooyinka mamadaam ay yihiin xoog aan la difiri karin oo u baahan in laga faaiideysto.

Intii uu socdey kulanakaas ayaa bahda saxaafada waxay weydiiyeen su’aalo dhowr ah kuwaa oo ku saabsana waxa uu qabanayo hadii la doorto waxaana ka mid aa sua’aalaha la weydiiyey Waxa uu ka aamisan yahay federaalka, waxaana uu sheegey in federaalka si qaladan loo fasirtey hase yeyeshee go’aanka faderaalka waxaa iska leh bulshahda Soomaaliyeed iyaga ayaa diidi kara ogolaan kara.

Waxaa kalaoo ka md ahaa su’aalihii la weydiiyey Musharax Cabdinaasir in uu ogol yahay in la xisaabiyo hantidiisa malinka la doorto waxaana uu ku jawaabey isagoo dhoola cadeynaya “Waxaan bahada saxaafadda horteeda ka balan qaadaya in maalinka la i doorto aan bulshadda Soomaaliyeed u soo bandh.igayo wixii hanti ah oo aan leeyahay tasoo bahda Saxaafada si farxad ah u soo dhahweysey.

Sananadkii 2012 ayaa markii uu tartanka ku jirey madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu kulan sidaan oo kale ah la yeeshey bahada saxaafada waxaana uu halkaa ka balan qaadey in uu si wanaagsan ula macaamilayo bahda Warbaahinta hase yeeshee wariyayaasha Soomaaliiyeed ayaa qaba in balan qaadkii Xasan Sheikh uusan waxba ka fulin, waxaana dhowrnaa waa Dr Cabdinaasir waxa uu ka fuliyo balan qaadyadiisa ku aadan saxaafada.

Xafiiska warqabadka Barmuudo.com
Tell: +252615749191
E-mail: tarabatooni1@hotmail.com
info@barmuudo.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25077

Posted by on Jan 29 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented