| | 3 views

Barmuudo.com SAWIRO Maxaa kadhacay Magaalada Galdogob……………

Maxkamad kutaala Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa xukuno kala duwan oo isugu jira xabsi iyo karbaash waxa ay ku riday shan dhalinyaro ah oo lagu helay in ay kufsadeen gabar 16-sano jir ah kadibna Muuqaal ay ka duubeen ku baahiyay baraha Internetka.

Goobta uu Xukunka ka dhacayay waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland sida wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Aniso Xaaji Muumin, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta Saalax Xabiib Jaamac iyo taliyaha ciidanka booliska Puntland Jenaraal Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

Waxaa sidoo kale goobta xukunka ka dhacayay ku sugnaa Ehelada dhalinyardaa xukunka lagu ridayay iyo Ehelada gabadha la kufsaday, waxaa sidoo kale gobta xukunka ka dhacayay ku sugnaa dad badan oo Deegaanka ah kuwaa dhoorayay xukunka lagu ridi doono dhalinyaradan.

Maxkamada Galdob ayaa sidan xukunka ugu riday Dhalinyarada Kufsiga geesatay

1–Shirwac Jamaac Juunle 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

2-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
3-Ayaanle Wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

5-Cabdirisaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Amaanka halka xukunka uu ka dhacayay ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo badan oo katirsan booliiska Puntland, Xukunka lagu rifdayay dhalinyaradan ayaana ahaa kuwa si weyn loo hadal hayay loona sugayay.

http://allbanaadir.net/images/news/http://allbanaadir.net/images/news/http://allbanaadir.net/images/news/

 

Xafiiska warqabadka Barmuudo.com

Tell: +252615749191
E-mail: tarabatooni1@hotmail.com
info@barmuudo.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25072

Posted by on Jan 29 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented