| | 2 views

Afar Xul oo isugu soo haray Semi-fiinaalka koobka Qaramada Africa & sida la isugu aaday

Xulalka Qaramada Ghana iyo Masar ayaa u soo gud bay Semi-fiinaalka koobka Qaramada Africa oo si xiiso leh uga socda dalka Gaboon .

Ghana ayaa 2-1 ku soo garaacday xulka DR.Congo waxaana labada gool u kala dhaliyay laacibiinta walaalaha ah ee Jordan Ayew iyo Andre Ayew oo u kala safta kooxaha Aston Villa iyo West ham United .

Xulka Qaranka Masar ayaa Gool agoon ah ku reebay xiddigaha Qaranka Marooko ka dib markii ay labada dal dhex martay ciyaar aad u kulul , waxaana goolka agoonka ah Masar u saxiixay , dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 88-aad ciyaaryahan Mahmoud kahraba oo kulankaan badal ku soo galay .

Afar dal ayaa iskugu soo hartay Semi-fiinaalka koobka Qaramada Africa ee (Africa Cup of Nations 2017) , waxeeyna wadamadaan iskugu dhaceen qaabkaan : Ghana Vs Cameroon iyo Masar Vs Burkina Faso . Kulamadaan ayaa la kala ciyaari doonaa habeenada Arbacada iyo Qamiista (1.02.2017

iyo 2.02.2017) .

http://allbanaadir.net/images/news/

http://allbanaadir.net/images/news/http://allbanaadir.net/images/news/http://allbanaadir.net/images/news/http://allbanaadir.net/images/news/http://allbanaadir.net/images/news/

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25096

Posted by on Jan 30 2017. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented