| | 4 views

Barmuudo.com Farmaajo “Madaxda maamul goboleedyada dhex dhexaad haka noqdaan Doorashada”

Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxda Maamul goboleedyada in aysan dhex dhexaad ka aheyn doorashada Madaxweynaha ee maalmaha soo socda ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay ka shaqeynayaan ololaha dib u doorashada Xasan Sheekh.

“Madaxda dowlad goboleedyada waa inay dhex dhexaad ka noqdaan doorashada Madaxtinimada ee nagu soo fool leh, ayna xoogga saaraan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira deegaanada maamul goboleedyada”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Mr Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay si hufan uga soo dhalalaan waajibadka saaran iyo dhaarta ay u mareen dalkooda iyo dadkooda.

“Waxaan ku kalsoonahay in xildhibaannadeena sharafta leh ay waajibaadka saaran u gudan doonaan si xambaarsan dareen qaranimo iyo mustaqbalka uu dalkeenu u jiheysan doono afarta sano ee nagu soo socota. Sidaa darteed waxaan ka codsanayaa xildhibaanada qaranka in ay si qoto dheer uga fiirsadaan cidda ay ku aaminayaan masiirka umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Hadalka Farmaajo ayaa ku soo beegmaya, xilli xalay munaasabad lagu taageerayay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 100 Xildhibaan ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25099

Posted by on Jan 30 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented