| | 1 views

Barmuudo.com Madaxweyne Xasan Sheekh oo saakay ka dhoofay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa saakay ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxa ayna u duuleen magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Xasan Sheekh ayaa magaalada Adis Ababa kaga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada Adis Ababa, shirkan ayaana lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Shirka ka furmaya Adis Ababa ayaa socon doona labo maalmood , waxa ayna Madaxda dowladaha Afrika ku dooran doonaan gudoomiyaha cusub ee midowga Afrika oo ay isku soo sharaxeen dhowr musharax oo ay ku jirto wasiirka arrimaha dibeda Kenya Aamina Maxamed.
Waxaa meesha ka baxay warar horey usoo baxay oo sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uusan ka qeyb galeyn shirka Midowga Afrika ee maanta ka furmaya magaalada Adis Ababa.

Shirkan ayaana kusoo aadaya xili Soomaaliya ka dhaceyso dooarshada Madaxweynaha , waxaana la filayaa in Madaxda Afrika ee shirka ka qeyb galeysa ay ka hadlan Doorashada Soomaaliya sanadkan ka dhaceysa.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25102

Posted by on Jan 30 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented