Home » February 28th, 2017 Entries posted on “February, 2017”

Barmuudo.com (Daawo Sawirada) Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqey in xaalad musiibo Qaran dalka ka jirto ……….

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka ay yihiin musiibo qaran oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir caalami ah oo Beesha Caalamka ay ka qeyb-gashay, kaasi oo looga hadlayey sidii looga jawaabi […]

February 28th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Xo: Gormee dhici doontaa Doorashada Madaxweynaha Galmudug……..?

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha maamulkaas ay dhici doonto 21-ka bisha Maarso War ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda la bilaabi doono howsha diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, kaddib markii uu is casilay Madaxweynihii hore. Guddiga ayaa sheegay in doorashada ay ka qeyb geli […]

February 28th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Akhriso Digreeto: Madaxweyne Farmaajo Yuu u magacaabay la taliyihiisa dhanka arimaha Bulshada?

  Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu magacaabay Marwo Caasho Abokar Qaasim in ay noqoto La taliyaha arimaha Bulshada Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo xushay Marwo Caasho Abokar Qaasim in ay kamid noqoto la taliyaashiisa , waxaana haweeneydan la sheegay in ay tahay aqoonyahand khibrad badan u leh […]

February 28th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com (Sawirro} Nin loo heysto dilkii Ex-xildhibaan C/qaadir Qaasim Mursal oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Maamulka degmada Dharkinley ee Gobolka banaadir ayaa maanta soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee Cabdiqaadir Qaasim Mursal oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia. Ninka la soo bandhigay oo da’ahaan lagu qiyaasay 27-sano jir ayaa magaciisa lagu sheegay […]

February 28th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Madaxweyne Gaas “Puntland uma baahna, buuq, khilaaf………?

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaalada ka jirta Puntland, isagoo ku faanay in waxyaabo badan uu u qabsoomay maamulkiisa saddexdii sano ee uu xilka hayay. C/wali Gaas oo wareysi siiyay Idaacada Daljir oo ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ka howl gasha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa uu dib u habeyn […]

February 28th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre oo Beri Baarlamaanka la horgeenayo

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta berito la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ugu qaadaan. Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aad u taageersan siyaasada R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana beri la filayaa in si buuxda u siiyaan codka kalsoonida marka uu Madaxweynaha […]

February 28th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Jubbaland oo diyaarisay ciidamadii duulaanka ku qaadi lahaa deegaanada Al-Shabaab……..

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii duulaanka ku qaadi lahaa deegaanada Al-Shabaab ka maamulaan Jubbooyinka. Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegay in dhowaan ciidamada ay qaadi doonaan howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu xoreyn doono Jubadda Dhexe. C/rashiid Janan ayaa sheegay in ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa Jubbada Dhexe lagu diyaariyay […]

February 28th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Qarax ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari lagu xiray ayaa lagu soo waramayaa inuu goor dhow ka dhacay Laamiga u dhaxeeya degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari. Goob joogayaal ayaa sheegaya in qarax uu ka dhashay gaari wadada marayay oo ahaa gaadiidka yar yar ee loo yaqaano kuwa raaxada. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana la sheegayaa inuu […]

February 28th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha dhexe

Tuulooyin u dhow degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya beello degaankaas wada dega. Dagaalladan ayaa waxay dhaceen maanta iyo dhowrkii ee maalmood ee la soo dhaafay, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadale Mukhtar Maxamed Maxamuud. Waxaa […]

February 27th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Xog Muhiim ah : Sababtuu isku Casilay Guuleed Maxay tahay ?

Madaxweynihii Maamulka Glamudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay iska casilay xilka madaxwaynanimo ee dawlad goboleedka Galmudug, xilkaas ka hor waxa uu laba mar wasiir ka soo noqday dawlada Federaalka Soomaaliya. November 4, 2012: Xukuumadda Cabdi Farax Shirdoon ayaa C/kariin Xuseen Guuleed loo magacaabay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka. Xilkaas waxaa uu hayey 4 November […]

February 27th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented