| | 0 views

Barmuudo.com Dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha dhexe

Tuulooyin u dhow degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya beello degaankaas wada dega.

Dagaalladan ayaa waxay dhaceen maanta iyo dhowrkii ee maalmood ee la soo dhaafay, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadale Mukhtar Maxamed Maxamuud.

Waxaa uu intaa ku daray in dagaalkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo labada beelood horey u soo dhexmaray kuwaasoo uu xusay iney hadda isu rogeen dagaalo toos ah.

Dagaalada ugu xooga badan ayaa waxa la soo sheegayaa iney ka dhaceen tuulada Burdheere oo 25km u jirta Cadale halkaasoo sida lagu soo waramayo la gubay guryihii ku yiilay.

Wararka ayaa sheegaya in masjid, xarunta Hormuud iyo dhowr guri ay ka badbaadeen dabka la qabadsiiyey tuuladaas, iyadoo qoysaskii degenaana ay horey uga qaxeen dagaalka halkaas ka socda.
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaalku uu ku sii fido degaano kale oo labada beelood ay wada joogaan, iyadoo xiisado colaadeed laga soo sheegayo meelaha qaar.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo wata ciidamo fara badan oo milateri ah ayaa ka dhaqaaqay magaalada Jowhar iyagoo ku sii jeeda degaanada lagu dagaalamay si ay xiisada u qaboojiyaan, waan-waan nabadeedna u dhex dhigaan labada beelood.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25577

Posted by on Feb 27 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented