| | 0 views

Barmuudo.com Qarax ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari lagu xiray ayaa lagu soo waramayaa inuu goor dhow ka dhacay Laamiga u dhaxeeya degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qarax uu ka dhashay gaari wadada marayay oo ahaa gaadiidka yar yar ee loo yaqaano kuwa raaxada.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana la sheegayaa inuu ahaa qaraxa lagu dhejiyo baabuurta, waxaana gaariga saarnaa hal qof.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu watay nin Ganacsade ah oo aan wali magaciisa la sheegin, waana uu ku dhintay qarax.

Labo qof oo kale ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, kuwaasoo marayay wadada, xilliga qaraxa dhacayay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaasoo wada baaritaano la xiriira qaraxan ka dhacay laamiga u dhaxeeya degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari ee wadada buundooyinka.

Qaraxyada lagu dhejiyo baabuurta raaxada ee gaarka ah ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu qaarijiyay dad kala duwan oo isugu jiray Mas’uuliyiin dowladda u shaqeynayay, Ganacsato, Wariyeyaal iyo dad kale.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25581

Posted by on Feb 28 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented