| | 0 views

Barmuudo.com Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre oo Beri Baarlamaanka la horgeenayo

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta berito la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aad u taageersan siyaasada R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana beri la filayaa in si buuxda u siiyaan codka kalsoonida marka uu Madaxweynaha horkeeno.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay kulan lagu tagaeerayay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka in ay siiyaan codka kalsoonida.

Ugaas Cabdi Daahir oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegey in ay Garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha ,wuxuuna ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay si deg deg Codka Kalsoonida u siiyaan Raiisul wasaaraha
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aa filayaa in maalinta berito ah la horgeeyo R/Wasaaraha Soomaaliya , waxaana la saadaalinayaa in ay si aqlabiyad leh Baarlamaanka u meel marin doonaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu dhawaan soo magacaabay Madxaweyne Farmaajo,.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25587

Posted by on Feb 28 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented