| | 2 views

Barmuudo.com (Sawirro} Nin loo heysto dilkii Ex-xildhibaan C/qaadir Qaasim Mursal oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Maamulka degmada Dharkinley ee Gobolka banaadir ayaa maanta soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee Cabdiqaadir Qaasim Mursal oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia.

Ninka la soo bandhigay oo da’ahaan lagu qiyaasay 27-sano jir ayaa magaciisa lagu sheegay Saalax Maxamed Abuukar ayaa lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay gudaha degmada Dharkeynley sida au sheegeen saraakiisha laamaha amaanka degmadaas.

Maamulka degmada Dharkeynley ayaa sheegay in ninkan ay u gacan gelinayaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Soomaliya si ay ugu fuliso xukun.

Saraakiisha maamulka degmada ayaa sheegay iney hayaan caddeymo buuxa oo ku saabsan in ninkan uu ka dambeeyey dilka marxuum Cabdiqaadir Qaasim Mursal faahfaahin, balse faahfaahin kama bixin, iyagoo xusay iney u gudbin doonaan Maxkamada ku shaqada leh.

http://allbanaadir.net/images/news/nin1.jpg

http://allbanaadir.net/images/news/nin1.jpg

http://allbanaadir.net/images/news/nin1.jpg

 

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=25592

Posted by on Feb 28 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented