Home » March 29th, 2017 Entries posted on “March, 2017”

Barmuudo.comKuwa Ka Dambeeyay Kiisaska Messi & Neymar Waxey Fadhiyaan VIP-da Bernabeu” – Hadalkii Uu Pique Ku Xanuujiyay Maamulka Real Madrid Oo Dhameystiran.

Gerard Piqué ayaa la hadlay saxaafadda kadib kulankii saaxiibtinimo oo ay guusha ka heleen France kulan ka dhacay Paris markaas oo ay 2-0 ku awood sheegteen. Daafaca mayalka adag ee reer Catalonia ayaa si aan caadi aheyn u weeraray maamulka Real Madrid kuwaas oo uu ku tilmaamay iney yahiin kuwa awoododoa u adeegsada awoodooda iney […]

March 29th, 2017 | Posted in Ciyaaraha | Read More »

Barmuudo.comManchester United Oo Badalka Michael Carrick Ka Dhex Heshay Kooxaha Ugu Sareeya Horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa goor hore u dhaqaaqday xidigii ay ku buuxin laheyd halyeyga kooxda Mihcael Carrick kaas oo u muquda mid aan xagaaga dambe sii xiran doonin maaliyadda Red Devils. Jose Mourinho iyo kooxdiisa waxey durba dooqdeen xidiga khadka dhexe kooxda Tottenham Hotspur iyo qaranka England Eric Dier kaas oo lagu qiimeeyo 40 Malyan Oo Pound. […]

March 29th, 2017 | Posted in Ciyaaraha | Read More »

Barmuudo.comDEG-DEG: Barcelona Oo Bayaan Caro Leh Kasoo Saartay Ganaaxii Ay FIFA Duldhigtay Lionel Messi

Barcelona ayaa soo saartay warbixin ay ku cadeyneyso sida ay kaga carootay ganaaxa afarta kulan ee la duldhigay Lionel Messi xilli uu matalayay qarankiisa. Leo waxaa lagu ganaaxay inuu aflagaado u geystay calanwadaha kulankii ay 1-0 kaga adkaadeen qaranka Chile kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka isbuucaan. Ganaaxa waxaa lagu dhawaaqay saacado ka hor kulanka […]

March 29th, 2017 | Posted in Ciyaaraha | Read More »

Barmuudo.comNeymar Oo Diyaar U Ah Inuu Abaalmarinada Ballon d’Or & FIFA The Best Ku Garaaco Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

Kaliya maahan in Barceona iyo Real Madrid ay ku dagaalami doonaan La Liga iyo Champions League bilooyinka soo socda, balse sidoo kale ciyaartoyda auu ka dhaxeeyaa baratan dhanka abaalmarinada shaqsiga ah. Ma jirin tan iyo Ricardo Kaka sanadkii 2007 xidig loo magacaabay abaalmarinada ugu sareeya kubadda cagta oo aan aheyn Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. […]

March 29th, 2017 | Posted in Ciyaaraha | Read More »

Barmuudo.comCristiano Ronaldo Oo Ka Mid Noqday 10-ka Xidig Ee Ugu Goolasha Badan Taariikhda Xulalka Dunida Kubadda Cagta.

Kabtanka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa xalay ka mid noqday qofka ugu dambeeya ee kasoo muuqda 10-ka xidig ee ugu goolasha badan taariikhda xulalka kubadda cagta aduunka kadib goolkii uu ka dhaliyay Sweden. Weeraryahanka Real Madrid ayaa laba gool ka dhaliyay isbuucaan bilowgiisii qaranka Hungary waxeyna ahaayeen kuwiisii 69-aad iyo 70-aad ee waayahiisa qaranka, balse […]

March 29th, 2017 | Posted in Ciyaaraha | Read More »

Barmuudo.comGudoomiye Jawaari oo hadal Qiiro leh ka jeediyay Kulankii lagu ansixiyay Golaha Wasiirada

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ansixiyay Golaha Wasiirada qaranka isagoo ku hadlayay magaca madaxweynaha iyo gudoonka barlamaanka. Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay iney dhisi doonaan gudiyada wasaaradaha si loola xisaabtamo xukumada cusub ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. “Waxaan rabnaa in […]

March 29th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com DEGDEG: Golaha Wasiirada Cusub oo la dhaariyay (AKHRI QAABKII AY UDHAARTEEN)

Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ay saareen ugu dhaarteen in danta dalka iyo diinta ay wax walba ka hormarin doonaan. Gudoomiyaha maxkamada sare ayaa labo mar kala dhaariyay Wasiirada cusub ee halay codka kalsoonida barlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha maxkamada ayaa ku yiri XIldhibaanada “Waxaad saartaan gacanta Masxafka […]

March 29th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com DEG DEG: Xukuumadda Kheyre Oo Heshay Kalsoonidii Xildhibaannada Golaha shacabka (Imisaa Aqbashay?)

Waxaa haatan soo gaba gabowday kalsooni siinta Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya iyadoo xildhibaanada ay si gacan qaad ah codka udhiibanayen. Ra’isul wasaaraha DF Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sharaxay siyaasada xukumadiisa iyo waxyaabaha ay qaban doonto kadibna waxaa ay xildhibaanada si gacan taag ah udhiibteen codka. Waxaa Ogolaatay oo codka kalsoonida siiyay xukumada DF Soomaaliya iney […]

March 29th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com imiseXildhibaan Ayaa Aqbashay In Codka Loo qaado Xukuumadda Kheyre, Imise Ayaase Diidday?

Goor dhow waxaa cod loo qaaday in Xukuumadda Xasan Cali kheyre Maanta loo qaado codka kalsoonida iyo in qorshada Xukuumadda marka ay xildhibaanada soo aqriyaan ka dib codka loo qaado. 241 Xildhibaan oo xarunta golaha Shacabka Maanta xaadir ku ah ayaa Cod u qaaday waxaana Aqbashay in Maanta Codka loo qaado 220 Mudane, waxaana Diiday […]

March 29th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com DEG DEG: Xildhibaannada oo xal ka gaaray Murankii jiray Iyo Kheyre Oo Hadda…

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa xalliyay murankii ahaa in aan maanta codka kalsoonida ah loo qaadin xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxayna middaasi bedalkeeda isku raaceen in isla maanta codka loo qaado. Wararka halkaasi hadda aan ka helayno waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Kheyre uu wado akhrinta qorshaha xukuumaddiisa, waxaana kadib xidi doona codka kalsoonida ah oo […]

March 29th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented