| | 1 views

Barmuudo.com DEGDEG: Golaha Wasiirada Cusub oo la dhaariyay (AKHRI QAABKII AY UDHAARTEEN)

Golaha Wasiirada Cusub ee DF Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkooda, waxaana kitaabka quraanka Kariimka ay saareen ugu dhaarteen in danta dalka iyo diinta ay wax walba ka hormarin doonaan.

Gudoomiyaha maxkamada sare ayaa labo mar kala dhaariyay Wasiirada cusub ee halay codka kalsoonida barlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa ku yiri XIldhibaanada “Waxaad saartaan gacanta Masxafka (Kitaabka) qofkii aan cudur daar laheyn)

DHAARTII AY MAREEN WASIIRADA CUSUB ayaa aheyd: Waxaan ku dhaaraneynaa, Magaca Ilaahey, Inaan Xilkayaga Ugudaneyno si daacad ah, oo danta dalka dadka iyo diintu ku jirto, dhowrana dastuurka qaranka iyo sharuucda kale oo dalka uyaala”

Kadibna waxaa loo yeeray wasiiru dowlayaasha xukumada cusub oo iyagana dhaar taas lamid ah la mariyay halka wasiiro ku xigeenadana ay dhaartaas sidoo kale mareen.

Kulanka Barlamaanka ayaa lasoo gaba gabeynayaa iyadoo xildhibaanadii ugu badnaa ay maanta codka kalsoonida siiyeen wasiirada cusub.breakingnews11-4

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26260

Posted by on Mar 29 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented