| | 3 views

Barmuudo.comCristiano Ronaldo Oo Ka Mid Noqday 10-ka Xidig Ee Ugu Goolasha Badan Taariikhda Xulalka Dunida Kubadda Cagta.

Kabtanka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa xalay ka mid noqday qofka ugu dambeeya ee kasoo muuqda 10-ka xidig ee ugu goolasha badan taariikhda xulalka kubadda cagta aduunka kadib goolkii uu ka dhaliyay Sweden.

Weeraryahanka Real Madrid ayaa laba gool ka dhaliyay isbuucaan bilowgiisii qaranka Hungary waxeyna ahaayeen kuwiisii 69-aad iyo 70-aad ee waayahiisa qaranka, balse xalay ayuu gool kale raacsaday kulankii saaxiibtinimo ee ay guuldarada kala kulmeen Sweden.Wiilka ku dhashay Madier ayaa caawinaad ka helay Gelson Martins isagoo si qurux badan kubad u dib mariyay goolhaye Karl Johnsson.

Ronaldo goolkaas wuxuu ka saaciday inuu barbareeyo goolasha Miroslav Klose ee Jarmalka, kuwii uu Thailand u dhaliyay halyeygooda Kiatisuk Senamuang, hana ka reebin inuu sidoo kale barbaro la yahay, boqorkii Sacuudi Carabiya Majed Abdullah.

Si kataba Ronaldo wuxuu 6-gool qura ka hooseyaa halyeyga kubadda cagta dunida Pele kaas oo Brazil waqtigiisa u dhaliyay 77-gool.

Liiskaan waxaa hogaaminaya halyeeygii hore qaranka Iran oo ay adag tahay in la gaaro rikoorkiisa madama uu dhaliyay 109-gool, Ferenc Puskas ayaa ku xiga kaas oo Hungary soo maray waqti hore 84-gool ayuuna dhaliyay.

Kaalinta Ciyaariyahanka Wadanka Goolasha
1 Ali Daei Iran 109
2 Ferenc Puskas Hungary 84
3 Kunishige Kamamoto Japan 80
4 Hussein Saeed Iraq 78
5 Pele Brazil 77
6 Godfrey Chitalu Zambia 76
7 Sandor Kocsis Hungary 75
7 Bashar Abdullah Kuwait 75
9 Majed Abdullah Saudi Arabia 71
9 Kiatisuk Senamuang Thailand 71
9 Miroslav Klose Germany 71
9 Cristiano Ronaldo Portugal 71CR7-4-170x114

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26266

Posted by on Mar 29 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented