| | 2 views

Barmuudo.comManchester United Oo Badalka Michael Carrick Ka Dhex Heshay Kooxaha Ugu Sareeya Horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa goor hore u dhaqaaqday xidigii ay ku buuxin laheyd halyeyga kooxda Mihcael Carrick kaas oo u muquda mid aan xagaaga dambe sii xiran doonin maaliyadda Red Devils.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa waxey durba dooqdeen xidiga khadka dhexe kooxda Tottenham Hotspur iyo qaranka England Eric Dier kaas oo lagu qiimeeyo 40 Malyan Oo Pound.

Macalinka reer Portugal in badan ayuu xushmeeyaa ciyaartoyda Spurs, balse wuxuu ka walwalayaa sida ay koox kula xifaaltameysa horyaalka u siineyso ciyaartoydooda ugu muhiimsan.

Sportsmail ayaa fahansan in Manchester United ay afar ciyaartoy calaamadsatay iney lasoo saxiixato xagaagan, waxaana ka mid ah xidigii hore Porto kaas oo hanaan wacan soo bandhigay waqtigiisa White Hart Lane.

Sida warbixinta lagu qoray United waxey u muuqataa koox wax weyn ka sameyn karta suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan madama lala xiriirinayo Neymar Junior oo ka tirsan Barcelona iyo Atletico Madrid weeraryahankeeda Antoine Griezmann.Dhanka kalana Dimitar Berbatov ayaa ugu dambeeyay xidig kasoo hayaama Tottenham Hotspur kuna soo biira Man United kaas oo 2008 aduun dhan 30 Malyan oo Pound ku yimid Old Trafford.

LIISKA CIYAARTOYDA UNITED KAGA YIMID SPURS:

Chris McGrath: 1976, £30,000

Alan Brazil: 1984, £625,000

Teddy Sheringham: 1997, £3.5million

Michael Carrick: 2006, £18.6million

Dimitar Berbatov: 2008, £30.76millionDier-280x175

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26278

Posted by on Mar 29 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented