| | 0 views

Barmuudo.comDaafaca Real Madrid Marcelo Oo Barbareeyay Rikoorka Safashada Halyeygii Real Madrid Alfredo Di Stefano.

Daafaca mayalka adag ee kooxda Real Madrid Marcelo ayaa xalay ka hortagay Leganes waxeyna u aheyd kulankiisii 396-aad ee waayahiisa Los Blancos kulamada rasmiga ah wuxuuna barbareeyay rikoorka halyeeygii Real Madrid ee geeriyooday Alfredo Di Stefano.

Daafacaan reer Brazil ayaa yimid Santiago Bernabeu 2006/07 isagoo 18-jir ah, balse guulo badan ayuu kooxda la gaaray mudadiisa.Kadib 11 xilli ciyaareed oo uu kooxda la joogay si la mid Stefano, wuxuu hantay 13-koob oo muhiim ah, wuxuuna ku guuleystay 3-La Liga, 2 Champions League, 2 Copa del Rey, 2 Supercopa d’Espana, 2 European Super Cup iyo 2 Club World Cup.

Marcelo waa ciyaariyahanka labaad ee ugu safashada badan Real Madrid safka hadda jooga, kaliya Sergio Ramos oo 509 kulan saftay ayaa ka badan.kadib hanashadiisa rikoorka safashada Stefano, xidigaan lugta bidix ku ciyaara wuxuu xooga saari doona siduu uu kooxda ugu safan lahaa 536 kulan taasoo ah tirada uu saftay Roberto Carlos oo ah ajnabiga ugu safashada badan Los Blancos.Marcelo-280x175

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26315

Posted by on Apr 6 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented