| | 0 views

Barmuudo.comMiyuu Jose Mourinho Horyaalka Premier League U Hogaamin Doona Man United? Dejan Stankovic Ayaa Ka Jawaabaya

Ciyaariyahankii hore Inter Milan iyo qaranka Serbia Dejan Stankovic ayaa huba in macalinkiisii hore Jose Mourinho uu soo celin doono maalmahii guusha ee Red Devils isagoo u sheegay taageerayaasha kooxda iney wax badan ka rajeeyaan “Special One”

United ayaa haatan qarka u saaran iney seegto sanadkii labaad oo xiriir ah kasoo muuqashada koobka horyaalada yurub inkastoo macalinka reer Portugal uu heysto fursad uu ku badbaadiyo waayaha kooxda ee yurub.

Jose tan iyo markii uu badalay Louis Van Gaal wuxuu kooxda keenay Paul Pogba, Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan iyo Eric Bailly wuxuuna u hogaamiyay EFL Cup, si la mid ah wuxuu kooxda geeyay quarter finalka tartanka Europa League inkastoo helitaankiisa Top 4 uu qalqal weyn ku jiro.Waan hubaa inuu awoodo, isla markaana uu Premier League u qaadi doono Man United” ayuu yiri Dejan oo la hadlayay Omnisport.

“Wuxuu kooxda u jiiday guusha iyadoo sida xaqiiqda ah uusan wali sal u yeelin qeyb ka mid ah guusha, gaar ahaan dhaqanka kooxda sida Man United”

“Ka rajeey guul sababtoo ah wey u sahlan tahay Mourinho” ayuu yiri Dejan.

Dejan Stankovic ayaa aad u bartay Jose Mourinho oo 54-jir ah mudadii labada sano aheyd oo uu la joogay Inter Milan.

Waqtigii ay Dejan iyo Jose wada qaateen waxey ku wada guuleysteen dhawr koob, Serie A, Champions Leageu iyo Copa Italia ayuu la qaaday 2009/2010.DEJAN-170x114

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26318

Posted by on Apr 6 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented