| | 1 views

Barmuudo.comRASMI: FIFA Oo Soo Saartay Qiimeynta Bilaha Ee Xulalka, Brazil Oo Hogaanka Qabatay, Holland Oo Hoobatay & Kaalmaha Somalia Iyo Jabuuti.

Hay’adda ugu sareysa kubadda cagta FIFA ayaa soo saartay qiimeynta bilaha xulalka dhanka ragga ee ay mar walba sameyso waxaana laga soo calaameeyay laba dhacdo oo waaweyn oo ah kala ah in kaalinta 1-aad ay soo gashay Brazil 7-sano kadib iyo in Holland ay heshay qiimeyntii ugu xumeyd ebid.

Netherlands oo ku fashilmay iney soo gaaraan Euro 2016 ayaa mar kale qarka u saaran iney isaga haraan koobka Aduunka 2018 ka dhici doona Russia madama aysan hanaan fiican ku jirin, waxeyna ka dambeeyaan Sweden iyo France.Dhanka kale Brazil ayaa markii ugu horeysay lagu arkay kaalint 1-aad ee qiimeynta muddo 7-sano ah, waxeyna dhawaan guulo ka heleen Uruguay iyo Paraguay taasoo ka saaciday iney goor hore carbuuntaan booskooda koobka Aduunka.

19-wadan oo ka mid ah 211 xubnood ee FIFA ayaan wax isbadal ah sameynin taasoo ka dhigan in isbadaladii ugu badnaa ay ka dhaceen qiimeyntaan, waxaana 10-ka wadan ee ugu horeeya ay kala yahiin sidan:Xulalka England iyo Italy ayaan kasoo muuqan 10-ka ugu sareysa waana xulal awood leh oo ku jira hanaan fiican marka la fiiriyo isreeb-reebka koobka Aduunka walow ay hormaro sameeyen.

Azzurri 3-talaabo ayey soo qaaday iyadoo soo tiigsatay booska 12-aad, halka England aysan sameyn wax talaabo ah madama ay kasoo muuqdeen kaalinta 14-aad.

Dhanka Kale SOMALIA Halkey Kaga Jirtaa?

Somalia hal talaabo ayey hoos u dagtay madama qiimeyntii ugu dambeysay kasoo muuqatay 205, balse qiimeyntii maanta waxey kasoo muuqatay 206, Dhanka kalana Jabuuti ayaa sameysay hormarkii ugu fiicnaa madama ay kasoo muuqatay kaalinta 194 iyadoo 11-talaabo horay u socotay.BRAZIL Brazil-170x114

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26321

Posted by on Apr 6 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented