| | 0 views

Barmuudo.comTababare Zinedine Zidane Oo Si Faah-Faahsan Uga Hadlay Hab Dhaqankii James Uu Ku Muujiyay Inuu Ka Xun Yahay Badalka.

Real Madrid ayaa guul 4-2 ah ka gaartay Leganes kulan ka tirsan horyaalka La Liga markaas oo ay dib u hanteen hogaanka madama ay saacado ka hor kulankooda la wareegtay Barcelona.

James Rodriguez ayaa soo bandhigay caradiisa markii la badalay qeybtii dambe ee ciyaarta kulankii Leganes wuxuuna soo bandhigay sida uu kaga xun yahay inuusan 90-daqiiqo ciyaarin.Lama aanan hadlin, waa wax iska caadi ah inuu ciyaariyahan doonayo inuu ciyaaro 90-daqiiqo” Ayuu yiri Zidane oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee kadib ciyaarta.

“Waa arimo dhaca, waana sida ay tahay. wuxuu u ciyaaray si wanaagsan, waan ku faraxsanahay taas, kuma oran wax inyar xitaa kasoo horjeed”Waa run inusan garoonka ku jirin wax badan, balse waa ciyaariyahan weerar ah oo si adag u shaqeeya”

“Waxey ku dhacday Karim sidoo kale. waan ku faraxsanahay isaga waana wax caadi ah inuu ka caroodo badalka, waxan sameeyay wax u wanaagsan kooxda, waan fahmay caradiisa balse waa inuu ilaaliyaa inuu muhiim sii ahaado”ZI-170x114

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26311

Posted by on Apr 6 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented