| | 0 views

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Cadaado Gaaray

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo  wafdi ay hoggaaminayaan  ayaa waxa ay gaareen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynayaasha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka ay  u tageen Magaalada Cadaado ayaa waxa u yahay ka qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishan, waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada shacabka degan Gobolada Dhexe.\

Xafiiska barmuudo ee muqdisho
W/Q Adijibar Bocor
Tell:0615955027/0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26421

Posted by on May 29 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented