| | 2 views

Maxaa U Qorsheeysan Goolhaaye Joe Hart Xilli City Ay Ku Dhowdahay Inay Keensato Goolhaaye Kale

 

abaas

 

Manchester City ayaa  si fiican kaga muuqata suuqa kala iibsiga waxaana kooxda Macalin Pep Guardiola ay lasoo wareegeysaa ciyaaryahano muhiim xilli kooxda laga dirayo xidig kale.

Manchester City waxaa ay hada ku dhowaaneysa inay ku dhawaaqdo saxiixa ciyaaryahan Emerson oo kamid ah xidigaha kooxda Benica.

Laakiin wiilka uu amaahda ku diray Guardiola ee Joe Hart ayaa damacsan inuu ku laabto kooxda Manchester City xilli ciyaareedka soo socda.

30-sano jirkaan ayaan qaab ciyaareed wanaagsan ku qaadan kooxda Torino waxaana dhacday inuu go’aanado u dagaalamida booskiisa kooxda City inkastoo Guardiola uu wali u muuqdo inuusan xidigaan ku qanacsaneeyn.

Xilli ciyaaredkiisa kowoaad ee kooxda Torino xidigaan ayaa laga dhaliyey 62 gool kadib markii uu saftay 36 kulan oo horyaalka Seria A.

”Waxaa uu ahaa xilli ciyaareed wanaagsan , balse iima qorsheeysan inaan halkaas ku laabto ,” ayuu Joe Hart  u sheegay saxaafada.

Macalin Pep Guardiola iyo kooxda Manchester City ayaa laga yaabaa in go’aanka ugu dambeeya xidigaan ay ka gaaridoonaan oo ah hadii ay safidoonaan iyo inuu kooxda ka tegidoono markale.

Xafiiska barmuudo ee muqdisho
W/Q Abaas siciid
Tell:0615955027/0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26439

Posted by on May 29 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented