| | 1 views

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Cadaado

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ahna Ku simaha Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wafdigan Madaxweyne Kuxigeenka oo ka ambabaxay magaalada Jowhar ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanak Hirshabeelle iyo Wasiiro, waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado.

Qaban qaabada munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa ka socota, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay bilaabato.

Ammaanka magaalada Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan lagu daadiyay magaalada, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka.

Xafiiska barmuudo ee muqdisho
W/Q Adijibar Bocor
Tell:0615955027/0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26430

Posted by on May 29 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented