| | 2 views

Beel caan ah Oo Hubkeeda Kala Baxday Muqdisho Iyo Hoggaamiyeyaal Caan

Xog hoose oo ay heshay wakaaladda wararka Barmuudo.com ayaa sheegaya in beesha Abgaal Cismaan ay hubkeedii kala baxday magaalada Muqdisho, iyadoo hoggaamiyeyaal badan oo beesha ah ay hubka isku darsadeen, sidoo kalena la baxeen ciidan badan oo Milatari ah.

Xogta waxay sheegeysaa in beesha hubkeeda la aadday dhanka gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaan degmooyinka Cadalle iyo Warsheekh, waxaana la socda rag culus oo uu kamidd yahay Axmed Daaci.

Hubka la qaaday waxaa leh sida la sheegay Bashiir Raage, Muuse Suudi, Axmed Daaci, Cumar Finish, Caraale iyo xubno kale oo beesha.

Dowladda Federaalka ayaa ka war heshay in hubkan laga bixiyey Muqdisho, waxaana beesha ugu baaqday in ciidanka ay wateen ay soo celiyaan, sidoo kalena hubka u keenaan dowladda si cadowga loogu dagaallamo.

Hubka la qaadey ayaa ah mid aad u sarreeya, waxaa ku jira gaadiid dagaal, hubka diyaaradaha iyo hub kale oo casri ah.

xafiiska barmuudo.com ee muqdisho

W/Q : Mustaf yare

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26669

Posted by on Jun 12 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented