| | 1 views

Wakiilka Marco Verratti oo la kulmay PSG (maxay kawada hadleen?)

Wakiilka laacibka reer talyaani ee Marco Verratti ayaa la kulmay masuuliyiin ka socotay kooxda PSG.

 

Gianluca Di Marzio ayaa baahiyay in wakiilka Marco Verratti uu magaalada Milan kula kulmay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG.

Wakiilka ayaa u gudbiyay agaasimaha in Marco uu doonayo inuu katago PSG xaggaagan isla markaana uu ku biiro Barcelona.

 

Laakiin warka wakiilka ayaa noqday mid aan u cuntamin kooxda reer France kuwaas oo dhankooda u gudbiyay wakiilka inay doonayaan inay ku qanciyaan laacibka inuu saxiixo heshiis cusub.

 

Kulanka ayaana ku soo idlaaday in kooxdu ay go’aansatay inay si toos ah ula hadasho Verratti si ay u ogaato waxa dhabta ah ee uu doonayo.

 

Kulankii maanta ka dhacay magaalada Milan ee dalka talyaaniga ma noqon mid u dhaca sidii ay filayeen maamulka PSG.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26672

Posted by on Jun 12 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented