| | 12 views

Xaqiiqooyinka Rasmiga ee Sababta u ah Qaraxyada ka dhaca Muqdisho

Waxaa isa soo taraya dhaliilaha loo jeedinayo hay’adaha amniga ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay Shabaabku kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayan Caasimadda.

C/waaxid Siraaji oo ah Sarkaal muddo toban sano ahi u soo shaqaynayay Booliska Gobolka Minnesota ee Wadanka Mareykanka, ayaa faah faahin ka bixiyay waxa ka khaldan laamaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan, ayaa sheegay in amni-darrada magaalada ay ugu wacan tahay, iyadoo masuuliyadda amniga lagu wareejiyay dhinacyo kala duwan, taasina ay keenayso xaalad jahwareer ah.

“Is dhexyaac ka jira dhanka dowladda iyo dadkii oo aan ogayn shaqadoodii iyo wixii looga baahnaa inay gutaan. Ciidamo badan baa dhex yaacaya magaaladii. Haddii aan fiirino qaabka ay isticmaalan nimankan Shabaabka la leeyahay badanaa waxaa waaye baabuur bay soo buuxiyan, meel bay ku qarxiyan, ciidamo lug ahna way geliyan meeshaasi.” Ayuu yiri Sarkaalkan.

C/waaxid Siraaji, ayaa ku waramaya in dableyda Shabaabka ee weerarada ka gaysanaysa Magaalada Muqdisho, kolka ay marayan barraha gaadiidka lagu baaro inaanay askartu ku samaynin wax baaritaano ah.

“Ciidamada lugta ahi waxay qabaan dharka militariga. Markii ay marayan kontoroolada ama checkponit-yada ay soo marayan, dadkii kontoroolada taagnaa waxay u badan tahay marka ay dadkan arkaan ayagoo labisan in intay salaan u taggaan ay dhahaan mara.” Ayuu yiri C/waaxid Siraaji.

Waxaa uu wax aan caqli gal ahayn uu ku sheegay in kontoroolada lagu baaro gawaarida dadweynaha oo qura, bedelkii la doonayay in ay ciidamadu ku baaraan kuwa amni-darrada ka wada Magaalada Muqdisho.

“Dadkii shacabka ahaa inay istaajiyan oo saf ay ku hayaan maanta dhan, oo ay baaraan. Marka taas waxay keenaysaa qofkii qoriga watayna waad sii deynaysaa, qofkii kale ee qoriga wadanina waad baareysaa. Sidaasi wax aqliga samaynaya maaha.” Ayuu yiri Siraaji oo la hadlay VOA.

Siraaji, ayaa sanadkii hore soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga oo ka bixiyay tababaro la xiriira booliska iyo xaqiijinta amniga.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26707

Posted by on Jun 24 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented