| | 1 views

Kudhawaad 10 Qof Oo Ku Dhimatay Weerar Ka Dhacay Dalka Filibiim

BARMUUDO.COM:- Inta la xaqiijiyay 9 qof ayaa ku dhimatay weerar ay kooxo hubeysan ay ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin militariga dalka Philibiim oo ku yaala duleedka caasimada dalkaasi Filibiim.

 

Booliiska ayaa xaqiijiyay in ragii weerarka soo qaaday ay ahaayeen 4 rag ah kuwaa oo goobta lagu toogtay waxa kale oo ay booliiska xaqiijiyeen in 9 qof oo ay ku jiraay 4 katirsan militariga dalka Filibiim lagu dilay weerarkaasi halka 4 kale ay ahaayeen ragii weerarka ku soo qaaday saldhiga iyo qof kale oo la sheegay in uu ahaa shaqsi shacabah oo adeeg u imaaday saldhiga.

 

Talaadadii tagtay ayay ahayd markii weerar sidan oo kale lagu soo qaaday saldhig ay booliiska leeyihiin oo ku yaala bartamaha dalkaasi Filibiim ragii weerarka soo qaadayna la sheegay in ay baxsadeen.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26778

Posted by on Aug 21 2017. Filed under Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented