| | 3 views

Barcelona oo Dembele ka daba keeneysa Coutinho iyo Dimaria

BARMUUDO.COM:- Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Barcelona Robert Fernandez ayaa sheegay in Ousmane Dembele uusan noqon doonin saxiixii ugu dambeeyay ay ka sameeyaan suuqa kala iibsiga ee sii xirmaya.

Kaddib markii ay Neymar ku lumiyeen kooxda PSG, Catalans-ka ayaa bartilmaameedsanaysay xiddigo badan oo magac wayn si ay ugu buuxiyaan booskiisa, waxayna waqti diirada ku hayeen xiddiga reer France oo ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen.

Waxay sidoo kale ugaarsanayeen dhowr ciyaartooy oo kale oo ay ugu horreeyaan Philippe Coutinho iyo  Angel Di Maria, agaasime Fernandez ayaana qiray inay weli far u taagan tahay oo ay suuqa ka dhammaan.

Maalmo yar ayaan shaqeynaynay , waxaa imaan kara hal ciyaaryahan kale amaba labo,” Sidaa ayuu yiri mar la soo bandhigayay Dembele.

“Ujeedkeygu waa inaan helnaa ugu yaraan hal laacib oo kale ama labo rajo wanaag.”.

Coutinho iyo Di Maria ayaa ah labo laacib ay Barca ku raad joogtay inta badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagagan.

Suuqa horyaalka La Liga ayaa xirmi doona 1-da bisha September isagoo hal maalin ka dambeyn doona Premier League.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26944

Posted by on Aug 29 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented