| | 0 views

Macalin cusub oo loo magacaabay Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir

BARMUUDO.COM:- Saalax Faarax Muxudin  (Sheekh Saalax) ayaa loo magacaabay macallinka xulka gobolka Banaadir,isagoo hoggaamin doono ciyaaraha maamul goboleedyada,  sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Isboortiga gobolka.

Shiikh Saalax ayaa ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan Soomaaliya, isagoo soo saaray xiddigo magac ku leh dalka,waxa uuna soo leyliyay kooxo waaweyn.

 

Macallin Saalax ayaa u soo ciyaaray Degmada Waaberi, kooxdii Hachs oo uu kula guuleystay  horyaalkii 28’aad iyo kooxdii Midnimo Fc.

Sidoo kale macallinka ayaa soo leyliyay Socomin,Bishaaro,Geska Afrika,Dahabshil,Fc Banaadir,Dekadda,Heegan,Saxafi iyo xulka qaran soomaaliya oo uu  mudo caawiye ahaa.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26941

Posted by on Aug 29 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented