| | 4 views

Shil dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari

BARMUUDO.COM:- Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa at ku soo waramayaan inShil Gaari oo Khasaare badan geystay ka dhacay duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Gaari Bas ah ayaa ka yimid magaalada Wajeer halka midka xamuulka uu ka soo baxay Magaalada Nairobi waxa la tilmaamay in Shilka uu ka dhacay meel u dhaw deegaanka Bangal oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

inta la xaqiijiyay Shilkaan ayaa waxaa ku dhintay 9 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20 qof,Dad dhawacmaya ayaa waxa la sheegaya in at ku jiraan Caruur iyo Hooyadoo,iyo sidoo kale Arday u socotay Iskuul,waxana Xusid mudan in uu Geeriyooday Wadihii Gaariga Booyada aha.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa soo gaaray goobta uu shilku ka dhacay ,waxaana dadkii dhaawacyadda ahaa loo lala cararay Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaarisa.

ilaa iyo hada kama aysan hadlin Masuu”liyiinta Magaalada Gaariga ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya oo ku aadan Shilkan Khasaaraha badan ee Geystay ee Halka ka dhacay.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26935

Posted by on Aug 29 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented