| | 15 views

http://barmuudo.com;Dowladda oo sheegtay in uu isku soo dhiibay Sarkaal Shabaab ah

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Sarkaalka Shabaab ka tirsanaa ee isku soo dhiibay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta ku sugan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa C/casiis Xasan Heybe (Bishaar).

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyay in sarkaalkaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka.
Wuxuu sheegay Taliye Faarax ninkan in Shabaabka uu u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan degaano hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabeeladda Hoose.

“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab, islamarkaana uu ka soo laabtay fikirkii hore, waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”. Ayuu yiri Taliye Turbac.

Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay cafis u fidinayso qofkasta oo ka soo baxay Shabaab, waxaa sii kordhayay tirada Dhalinyarada Shabaabka ah ee isku soo dhiibaysa Dowladda Soomaaliya.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26983

Posted by on Sep 7 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented