| | 28 views

DEG DEG: Maxamed Cabdi Waare oo ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle

Maxaned Cabdi Waare ayaa uguuleystey doorashaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, kaddib markii uu wareegii ugu dambeeyay uu ka adkaaday Musharaxii la tartamayay Daahir Cabdulle Cawaale

Maxamed Cabdi Waare oo sanadkii hore la tartamay Madaxweynihi xilka laga qaaday Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegii labaad kula tartamay Daahir Cabdulle Cawaale.

Waare ayaa helay 74 Cod, halka Musharaxa laga guuleystay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.

Ciidamada ammaanka, kuwa AMISOM ayaa isku gedaamay Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare, si ay u sugaan ammaankiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare ayaa la dhaarin doonaa, marka uu u khudbeeyo.

XAFIIS BARMUUDO EE MUQDISHO

W/Q ABDIJIBAR BOCOR

TELL/ 0615955027/0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=26991

Posted by on Sep 16 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented